(Muqdisho) 11 Maarso 2021 – Wararka haatan Muqdisho ka imanaya ayaa tibaaxaya in durba farriimo loo kala diray Xildhibaanada Baarlamaanka Dalka oo berri oo Isniin ah ka doodaya Doorashooyinka Qaranka.
Kulanka Baarlamanka ayay warar hoose oo aan weli la xaqiijinin sheegayaan inay dhici karto in lagu laalo Heshiiskii 17-kii Sebtembar isla markaana dib loo howlgeliyo Guddigii Doorashooyinka Qaran ee ay Guddoonka u ahayd Xaliimo Yareey.
Xog kale oo aannu ka helayno ilo mucaaradka ku dhow ayaa iyaguna sheegaya in ay dhici karto in uu Baarlamanku ku dhawaaqo ku darso 2 sanadood ah.
Hoteellada qaar ayaa durba lagu arkayaa Xildhibaanno isku mowqif ah oo isku urursanaya, kaddib markii ay baxday farriinta loo qaybiyey oo u qornayd in berri oo Isniin ah 12-ka Abriil uu Golaha Shacabku yeelan doono kulan looga doodayo mooshin ku saabsan Doorashooyinka Qaranka aminta maxalliga ihi marka ay tahay 9:00 subaxnimo.
Xog kale ayaa sheegaysa in Arbacada la qorsheeyey in laga hadashiiyo Taliyaha Millateriga, Jen. Odowaa Yuusuf Raage, kaasoo ku dhawaaqaya in ”la laalay doorashadii dhici lahayd”, balse 2 sanadoo kaddib la qabanayo doorasho ”qof iyo cod ah”, iyadoo uu kahor xilka sii haynayo Abaanduulka Guud ee Ciidamada Qalabka Sida oo ah MW dalka, balse aragtidan oo ka timid dhanka qolyaha mucaaradku weli ma bisla, waxayna u muuqataa mid aan macquul u ekayn.
Dookhyadan aannu soo sheegnay oo uu midba mid ka daran yahay ayaa haddii midkood lagu dhaqaaqo waxay Somalia u horseedi kartaa dhibaato iyo dib u dhac baahsan oo aanu dalku haatan diyaar u ahayn, iyadoo ay horay beesha caalamku uga digtey ku darsi, hannaan is barbar yaac ah iyo doorasho hal dhinac ah, siyaasiyiinta Somalia ayaa iyaguna wax kasta oo noocaas ah ku sheegay ”is miidaamin siyaasadeed.”
Hadalsame Media