(Roswell, GA) 11 Maarso 2021 – Meel carruurta maalintii lagu hayo (daycare) ayaa cunsuriyad iyo midab takoor lagu helay kaddib markii la arkay muuqaal toos ah oo muujinaya in carruurta madowga ah sugaal la geliyey halka cuntadii qadada lagu hormariyey carruurta caddaanka ah.
Waalidka meel carruurta lagu xanaaneeyo oo ku taalla magaalada Roswell, Georgia ayaa awood u leh inay daawadaan muuqaalladan tooska ah si ay ula socdaan xaalka carruurtooda ee maalinlaha ah.
Waalidiintii ayaa deeto arkay in carruurta caddaanka ah qadada la siinayo, tiiyoo ay baahidoodii la fadhiyaan kuwa madow oo lagu amray inay sugaan.
‘Waxay u muuqdeen inay ka wada gudbayeen ilmaha madowga ah,’ ayuu yiri aabbe la yiraahdo Adryan McCauley oo la hadlay hilinka CBS46.
‘Ilmaha caddaanka ah oo idil waa la qadaysiiyey, halka ay sugayeen kuwa madowga ah. Runtii aad baan uga xumaannay muuqaalka aannu maanta daawannay.’ ayuu daba dhigay.
Mid ka mid ah hooyooyinka carruurta oo shaqaalaha iskuulka arrinta hor dhigtay ayaa la yaabtay in la siiyey sharraxaan jaban oo aan micne waaqici ah samaynin.
Arrintan yaxyaxa iyo yaqyaqsiga leh ayaa haatan haysata saxaafadda maxalliga ah ee Maraykanka iyo tan caalamkaba, iyadoo ay dalkaa kusii kordhayaan shilalka cunsuriyadeed oo beryahan jidadka lagu weerarayey dadka Indha-yarta ah.
Hadalsame Media