Maxkamadda Sare ee Kenya oo soo gaartey go’aan caawinaya qaxootiga dalkaa ku sugan

0
Tents fill the outskirts of Dagahaley refugee camp in Kenya's Dadaab refugee complex on July 24, 2011. The United Nations refugee agency estimates Dadaab is receiving 1,300 new arrivals each day, adding to the numbers in the already drastically overpopulated camp. Dadaab was opened twenty years ago, with a capacity of 90,000 people. Current estimates place the refugee population here at around 380,000 people. The European Union aid commissioner vowed yesterday to do all that is possible to help 12 million people struggling from extreme drought across the Horn of Africa, boosting aid by 27.8 million euros ($40 million). AFP PHOTO/PHIL MOORE / AFP PHOTO / PHIL MOORE

(Nairobi) 09 Maarso 2021 – Maxkamadda Sare ee dalka Kenya ayaa ugu yaraan si KMG ah u hakisay go’aankii ay Dowladda Kenya u qabatay in qaxootigu uu dalkeeda uga guuro muddo 2 todobaad ah, gaar ahaan Dhadhaab iyo Kaakuma.

Xeryahaas oo ay ku jiraan qaxooti kasoo kala qaxay dalalka deriska ah ayaa waxaa ay dhan yihiin nus milyan ay nuskood Soomaali yihiin.

Dowladda Kenya ayaa xiritaanka xeryahaasi u daliishatey inay ay ”dhibaato ku yihiin dhanka amniga qarankeeda.”

Yeelkeede, Hay’adda Amnesty International laafteeda Kenya ayaa ka digtay in lagu dhaqaaqo tillaabo aan waafaqsanayn xeerka caalamiga ah oo ay Kenya saxiixday.

Amnesty ayaa intaa raacisay in tilllaabada noocaas ihi ay masiibo bani’aadannimo u horseedi karto caalamkan oo awalba la daalaa dhacayyey xanuunka Covid-19 oo dunida dhulka dhigay.

Hay’adda UNCHR ayaa sidoo kale sheegtay inay wada hadal la waddo Dowladda Kenya oo ay rajaynayso in xal wax dhisaya laga gaaro umuurtan, si ay qaxootigu usii deganaadaan xeryaha.

Maxkamadda Sare ee Kenyaa ayaa dib u dhigtay go’aanka Xukuumadda Kenya muddo 30 cisho ah.

24 Maarso ee sanadkan ayaa wasiirka arrimaha gudaha Kenya Fred Matiangi ku dhawaaqay in xukuumadda Nairobi albaabada ku laabayso xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma iyadoo hey’adda Qaxootiga ee UNHCR ku wargelisay in muddo 14 cisho lagu fulin doono go’aanka.

Sidan oo kale, Kenya ayaa 2013 shaacisay in ay xireyso xeryaha Qaxootiga, hase ahaatee go’aankaas ma dhaqan gelin oo dad yar ayaa baxay 2016-kii.

Hadalsame Media