
(Stockholm) 08 Maarso 2021 – Haweenay kale ayaa la kulantay kiis dhiig xinjirow ah kaddib markii la siiyey tallaalka ay farsamayso Astara Zeneca ee lagula tacaalo Covid-19.
Marka xinjirowga laga soo tago, dhiigga haweenaydan ayaa markii la baaray la ogaadey inay ku yaraadeen saxan-yarooyinka oo ah unugyo yar yar oo ku shaqa leh dhiig xinjiraynta, taasoo dhacday kaddib markii la tallaalay.
Horay waxaa u jirey laba haween ah oo ay midi 30 jir ahayd midna 60 jir oo dhibkan oo kale qabsaday. Haweenayda yari waxay u baahatay daryeel deg deg ah oo waxaa la dhigay qaybta ICU-ga, halka haweenayda wayni ay dhimatay.
Hadalsame Media