Labadii todobaad ee ay Kenya u qabatay in lagu xiro xeryaha qaxootiga oo dhamaaday (Maxaa haatan socda?)

0
Tents fill the outskirts of Dagahaley refugee camp in Kenya's Dadaab refugee complex on July 24, 2011. The United Nations refugee agency estimates Dadaab is receiving 1,300 new arrivals each day, adding to the numbers in the already drastically overpopulated camp. Dadaab was opened twenty years ago, with a capacity of 90,000 people. Current estimates place the refugee population here at around 380,000 people. The European Union aid commissioner vowed yesterday to do all that is possible to help 12 million people struggling from extreme drought across the Horn of Africa, boosting aid by 27.8 million euros ($40 million). AFP PHOTO/PHIL MOORE / AFP PHOTO / PHIL MOORE

(Nairobi) 08 Maarso 2021 – Waxaa shalay ku ekayd xilligii labada todobaad ahayd ee ay Dowladda Kenya u qabatay in QM ay kusoo diyaariso qorshe ay dalkaa uga rarayso qaxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma, kuwaasoo ay ka mid yihiin ugu yaraan rubac milyan Soomaali ah.

Dowladda Kenya ayaa xiritaanka xeryahaasi u daliishatey inay ay ”dhibaato ku yihiin dhanka amniga qarankeeda.”

Yeelkeede, Hay’adda Amnesty International laafteeda Kenya ayaa ka digtay in lagu dhaqaaqo tillaabo aan waafaqsanayn xeerka caalamiga ah oo ay Kenya saxiixday.

Amnesty ayaa intaa raacisay in tilllaabada noocaas ihi ay masiibo bani’aadannimo u horseedi karto caalamkan oo awalba la daalaa dhacayyey xanuunka Covid-19 oo dunida dhulka dhigay.

Hay’adda UNCHR ayaa sidoo kale sheegtay inay wada hadal la waddo Dowladda Kenya oo ay rajaynayso in xal wax dhisaya laga gaaro umuurtan, si ay qaxootigu usii deganaadaan xeryaha.

Haatan oo ah maalintii 1-aad ee kasoo wareegtey dhamaadka waqtigii ay Kenya u qabatay in ay qaxootigaasi ku guuraan ayaanay Kenya wax tillaabo ah weli qaadin, taasoo rajo yar gelinaysa qaxootiga oo aad uga naxay go’aanka Dowladda.

Hadalsame Media