(Abuu Dabeey) 08 Maarso 2021 – Imaaraadka Carabta ayaa gargaar usoo diraya Somalia si wax lagaga qabto dhibaatada aadminnimo oo ka jirta gobollo dalka ka mid ah sida Gedo.
Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka ayaa Somalia u duulinaysa 4 dayuuradood oo sida boqollaal tan oo ah cuntooyin nafaqaysan iyo agab kale oo wax ka taraya dhibaatooyinka aadminnimo ee dalka ka jira.
Imaaraadka ayaa sheegay inay sidaa uga jawaabayaan dhibaatada ka taagan Somalia, taasoo qayb ka ah doorka ay ka ciyaarayaan caawinta iyo horumarinta Somalia.
Imaaraadka iyo DF Somalia ayaan sanadihii dambe isku wanaagsanayn kaddib markii uu dalkaasi bilaabay inuu faragelin ku sameeyo arrimaha gudaha ee dalka, isagoo si iskii ah ula macaamila qaar ka tirsan gobollada dalka.
Imaaraadka ayay sidoo kale ka sheegteen dalal badan oo Muslim ah oo ay ku jiraan kuwo Carbeed oo faragelin iyo qaybin ku eedeeyey.
سيرت هيئة الهلال الأحمر الإماراتي أربع طائرات تحمل مئات الأطنان من المواد الغذائية الضرورية والاحتياجات الإنسانية الأخرى، لتعزيز استجابتها تجاه الأوضاع الإنسانية في الصومال، وذلك امتدادا لمبادرات دولة الإمارات الإغاثية والتنموية على الساحة الصومالية.#الهلال_الأحمر_الإماراتي pic.twitter.com/BlUa5QazdV
— الهلال الأحمر الإماراتي (@emiratesrc) April 7, 2021
Hadalsame Media