Zlatan Ibrahimovic oo Afrika ka sameeyey arrin ay dad badani ka xumaadeen & saxaafadda oo ku dheggan + Sawirro

0

(Stockholm) 06 Maarso 2021 – Laacibka Sweden iyo AC Milan ee Zlatan Ibrahimovic ayaa lagu eedeeyey oo libaax ku toogtey dalkanhas South Africa sanaddii 2011 deetana uu xitaa soo qaatay maqaarkiisii, qalkiisii iyo dhakadiisii.

Qannaaskan qawaarka ah oo caan ku ah inuu libaax isku tilmaamo marka uu kaftamayo, ayaa falkan waxaa aad ugu cambaareeyey kooxaha degaanka u dooda ee dalkiisa Sweden.

Warqaadka Swedish-ka ah ee Expressen ayaa ku eedeeyey Ibrahimovic inuu qaatay laysinka ugaarsiga kaddibna uu wax sanad ka yar toogasho ku diley libaax lab ah oo ku jira kaymaha Koonfur Afrika.

Kaaga darane libaaxa oo Ibra diley ayaa ka mid ahaa libaaxyada naadirka ah ee ka mid ah gacalooyinka dabar go’i raba, sida ay qabto hay’adda bay’ada u doodda ee Conservation of Nature Red List of Threatened Species.

Ibra ayaa deeto raqdii libaaxa aan ka harine waxyaabo badan kasoo qaatay oo Sweden la yimid, isagoo haatan diidey inuu wargayska uga warramo wixii dhacay.

Hadalsame Media