
(Muqdisho) 05 Maarso 2021 – Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee QM u fadhiya Somalia ayaa war cusub kasoo saaray shirka maaratoonka noqday ee ka soconaya magaalada Muqdisho, kaasoo maanta hakad nasiino ah ku jira.
Shirkan oo labadii maalmood ee tegey ay Maamul-goboleedyadu u dhamaayeen ayaa lagu sheegay mid hordhac ah, balse waloow ay 2 maalmood wada fariisteen misna wax micne lihi weli kama soo yeerin.
Yeelkeede, Xafiiska UNSOM ee Somalia ayaa bogaadiyey in ugu yaraan ay dhinacyadu ugu dambayn wada fariisteen isla markaana ay wada hadalka sii ambaqaadi doonaan, iyadoo loogu baaqay inay heshiis gaaraan.
”Xafiiska QM ee Somalia waxaa dhiirri gelinaya wada joogista madaxda DF iyo Maamullada ee shirka ay albaabbadu u xiran yihiin ee hordhaca ah ee qabsoomay 3-4 Abriil,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo Twitter lagu faafiyey.
”Waxaannu fahamsan nahay in hoggaamiyeyaashu ay qorshaynayaan inay sii wada hadlaan waxaana ku boorrinaynaa inay heshiis ka gaaraan wada hadalladan muhimka ah.” ayaa la raaciyey.
Dad badan ayaa aragtiyo kala geddisan oo ay qaar quus iyo darrow yihiin ka bixiyey hab-dhaqanka madaxda Somalia oo u muuqda kuwo doonayo inuu shisheeye ku barbaryo gudashada ama garashada xilka saaran.
Hadalsame Media