”Wax kasta oo keeni kara inay hawadu dib nooga noqoto waan ka hortegeynaa!” – DF oo ka hadashay dayuurad Garacad laga celiyey

0

(Muqdisho) 02 Maarso 2021 – Dowladda Federaalka ah ee Somalia ayaa markii ugu horraysay ka hadashay diyaarad laga hor istaagay magaalada Garacad ee gobolka Mudug.

DF Somalia ayaa haatan xaqiijisay inay iyadu diyaaraddaas joojisay oo ay ka celisey inay ka degto garoon ku yaalla Degmada Garacad.

“Diyaaradda Garacad u socotay, arrimo amni oo markaas garoonka ka jiray ayaan u joojinnay oo garoonka amnigiisa ayaan sugnayn balse ma jirto wax xannibaad ah,” ayuu yiri Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka DF Somalia Maxamed Oomaar oo halayey.

”Wax alle wixii keeni kara in hawadu dib nooga noqoto waan ka hortagaynaa.” ayuu daba dhigay Wasiirka oo aan faahfaahinin sababtaa dambe.

Dayuuradda laga celiyey Garacad ayaa loo badinayaa inay kasoo duushay dalka Imaaraadka Carabta, welina lama oga arrimo badan oo ku hareereeysan dayuuraddan.

Hadalsame Media