”Waa nasiib darro inuu warkaasi kasoo baxo madax hore!” – Madaxtooyada oo si caro leh uga jawaabtey warkii RW hore ee CCC

0

(Muqdisho) 30 Maarso 2021 – Afhayeenka Madaxtooyada DF Somalia, Cabdirashiid M Xaashi, ayaa beeniyey war uu soo qoray RW hore ee Somalia Md CCC oo ahaa inuu Farmaajo heshiis amaan la geli rabo dowladaha Itoobiya iyo Eritrea.

”Wararka sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu barri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay in uu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah waa mid been abuur ah oo aan jirin,” ayuu ku bilaabay Afhayeenku.

”Safarrada shaqo ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda waa kuwo daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta Soomaaliyeed.

”Waxaa nasiib darro ah in Madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jaahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn, iyaga oo uga gol leh dano siyaasadeed oo gaar ah, halka ay ahayd in ay ka soo dhalaalaan waajibaadka Qaran ee horyaallay 4-tii Sano ee la soo dhaafay.” ayuu daba dhigay.

Hadalsame Media