Fadeexad kusoo baxday sida ay shaybaarrada UK u baaraan cudurka Covid-19 (Daawo)

0

(London) 30 Maarso 2021 – Filin si qarsoodi ah looga duubay shaybaarka ugu wayn UK ee lagu baaro cudurka Covid-19 ayaa muujinaya cillad ka jirta hab-raaca baarista loo sameeyo oo u muuqda mid wasakhoobi kara.

Weriye ka tirsan BBC oo iska dhigay farsamo yaqaan shaybaar ayaa si qarsoodi ah u duubay sida howsha loo wadey oo ahayd mid aan nadiif ahayn, taasoo ka dhigan in dad maray baarista NHS Test and Trace aysan jawaab helaynin amaba la siinayo mid khaldan, waloow uu shaybaarku sheegay inuu raacay dhamaanba xeerarka loo baahan yahay.

Dowladda Ingiriiska ayaa £1bilyan oo gini ku bixisa shabakado shaybaarro ah oo dadka ka baara cudurka Covid-19, taasoo qayb ka ah barnaamijka NHS Test and Trace.

Waxaa shaybaarradaa ka mid ah UK Biocentre iyo 7 kale oo ah kuwa loo yaqaan Shaybaarrada Musawaca oo uu xafiiska Xukuumadda UK ee Number 10 howsha u xil saaray.

Waxaa eedaymaha noocan ihi ay bilowgii soo if bexeen Oktoobar 202, kolkaas oo ay isla BBC tooshka ku ifisay.

Hadalsame Media