(Muqdisho) 29 Maarso 2021 – Waxaa weli cakiran xaajada siyaasadeed ee dalka iyadoo ay wararku haatan sheegayaan inay beesha caalamku ku guulaysatey inay hakiso laba tillaabo oo xaaladda sii cakiri lahayd oo ay waddey Villa Somalia.
Mid waxay ahayd qorshe Baarlamanka la hor geeyey oo lagu maldahay cudurka Covid-19, balse ay xogaha hoose sheegayaan in muddo kororsi kasbo ihi ku qarsan tahay, iyadoo kaddib markii uu kulankii hore fowdo u baaqday mid kale oo isna muran badan dhaliyey la ballamiyey.
“Mudane Xildhibaan shirkii beri oo Isniin ah ee loo balansanaa waxaa uu dib loo dhigey maalinta Arbacada ee tariikhdu ku beegan tahay 31 Maarso,” ayaa lagu yiri fariinta loo kala diray xildhabaanada.
Waxaa sidoo kale la helayaa xog ku aaddan in la baajiyey booqasho aad loo qarinayey oo uu MW Farmaajo uu ku doonayey inuu ku tago magaalada Addis Ababa, si uu halkaa ugula kulmo RW Abiy Ahmed.
Yeelkeede, beesha caalamka ayaa Farmaajo iyo Mursal u sheegtay inaysan uga darin xaaladda cakiran oo ay caawinaynin tillaabooyinkan ay qaadayaan oo ay dad badani ku tilmaameen kuwo ”qar iska tuur ah”.
Dhanka kale, waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho gaar ahaan Airport Hotel oo ku yaalla Xalane ay ku kulmaan RW Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxwaynayaasha Maamul-goboleedyada Galmudug, Jubbaland, Puntland, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed.
Waxaa kulankan oo horay loogu heshiiyey kaddib wada xaajoodyo iyo shirar doceedyo maalmahan socdey marka uu dhamaado lagu wadaa in uu RW Rooble uga dhawaaqo in berri oo Talaado ah la iskugu tegi doono Teendhada Afisyooni iyada oo markan shirka loo dhan yahay.
Hadalsame Media