(Muqdisho) 29 Maarao 2021 – Wakiillada Beesha Caalamka ee kusugan Muqdisho ayaa soo gaba gabeeyay goordhaw kulan ay kula lahaayeen XLANE Madaxda shanta maamul goboleed ee dalka.
kulankan ayaa looga wada hadlay xaaladda doorashada, iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha taagan.
Wakiilada Caalamka ayaa uga digay maamul goboleedyada inaysan uhorseedin wadahadalada inay bur buraan, maadama ay hada yihiin cida kaliya ee haysata sharciyad.
Beesha caalamka oo bixisa dhaqaalaha ay maamulada ku shaqeeyaan inta badan, ayaa doonaysa in heshiis laga gaaro arrimaha doorashada.
Shirkan wuxuu ku soo aadayaa xili ay Wakiilada beesha caalamku digniin kulul udireen shalay gelinkii danbe Gud. Mursal si uusan carqalad ugu noqon dadaalada socda, taasoo keentay in dib loodhigo kulankii baarlamaanka ee maanta, iyadoo shaki badan uu ku dhex abuuray gudaha xildhibaanada.
Hadaba Madaxda ayaa kulankoodu socdaa maalintii sedexaad iyagoo horay ula soo kulmay Midowga Musharrixiinta iyo Guddoonka Aqalka Sare.
Goor dhaw, sida lagu wado, waxaa kulan kale uu dhexmari doonaa RW Rooble iyo Madaxda shanta Maamul-goboleed, si ay isula dejiyaan ajendaha shirka soo socda ee berritoole haddii Alle idmo.
Hadalsame Media