(Berlin) 29 Maarso 2021 – Waxaa soo shaac baxday in laba markab oo ah nooca gujiska ah ee Jarmanku leeyahay ay ku xiran yihiin agab wax lagu hago oo Ruush samee ah, taasoo NATO ku kicisay walaac amaan.
Warqaadka Jarmanka ah ee Bild ayaa qoray in agabkani uu Ruushanka ka saacidi karo inay jabsadaan xogta xasaasiga ah ee gujisyadan isla markaana ay “khalkhaliyaan hab-howleedkiisa oo idil.”
Agabkan hagitaan oo la yiraahdo Navi-Sailor 4100 ayaa lagu xirey ilaa 100 markab oo ay ku howlgalayeen Ciidanka Badda Jarmanka tan iyo 2005, sida uu weriyey Bild am Sonntag.
Waxaa qalabkaas sancaysay Transas, oo ah shirkad degganayd laguna dhisay St. Petersburg 1990-kii. Walow ay 2018 iibsatey sharikadda Finnish-ka ah ee Wartsila, balse laanteeda agabka ciidanku waxay weli joogtaa Ruushka.
Wargayska ayaa qoray in agabkan maraakiibta lagu xirey xilligii RW Gerhard Schröder, kaasoo haatan ah Guddoonka sharikadda arrimaha tamarta ee Ruushanka ah ee Gazprom gaar ahaan mashruuca beebabka gaaska qaada ee Nord Stream 2 ee mara badda Baltic Sea.
Waxaa gujisyada agabkaas lagu xirey ka mid ah U35 iyo U36, oo ah nooca aamusan isla markaana adeegsada tamarta barxan oo shaqa galay 2015 iyo 2016, sida ay u kala horreeyaan.
Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa durba dalbaday in dadwaynaha looga maarmay agabka noocan ah ee ay sameeyaan xulufada kale ee NATO ee loogu baahday agabka Ruushka.
Die Bundeswehr muss sicherstellen, dass die Navigationssoftware der Marine kein Sicherheitsleck darstellt. Das Ministerium muss zügig erklären, wieso keine Software eines Herstellers aus Nato-Staaten verwendet wird. @BILDamSONNTAG @mkiewel https://t.co/orGBtrLXJA
— Dr. Tobias Lindner (@tobiaslindner) March 28, 2021
Hadalsame Media