(Montgomery) 29 Maarso 2021 – Waxaa soo baxay muuqaal ay duubtay kaamirada ku xiran booliiska degmo ka tirsan Gobolka Maryland ee dalka Maraykanka oo si xun u bahdilaya wiil yar oo 5-jir ah oo ay hooyadii wehliso.
Shilkan oo dhacay Jannaayo 2020, balse haatan uun lasii daayey, ayaa muujinaya saraakiil booliis ah oo ka tirsan Degmada Montgomery ayaa wiilka kasoo raacay meel aan ka fogayn iskuulkiisa waxaana la maqlayaa haweenay booliis ah oo leh: ”Sidani waa sababta loogu baahan yahay inay dadku ilmohooda garaacaan.”
Muuqaalka ayaa mar laga arkayaa wiilka yar oo aad u ooynaya oo ay deeto haweenayda Booliiska ihi ka daba ooyayso iyadoo cajilaysa balse aad dhegihiisa ugu qaylinaysa. ”Waxaan rajaynayaa inay hooyadaa ii ogolaato inaan ku garaaco.” ayaa la maqlayaa.
Qaybaha dambe, waxaa iskuulka soo gaaraysa hooyada wiilka iyadoo la maqlayo labada sarkaal booliis oo hooyada ku dhiirrinaya inay garaacdo. ”Waxaan kaa rabnaa inaan garaacno, waayo xabsi u geli maysid carruurtaada oo aad garaacday.” ayuu ku leeyahay, iyagoo xitaa mar jeebbo ku dhejinaya wiilka yar waloow ay markiiba ka fureen.
Will Jawando oo ka tirsan Golaha Degaanka Montgomery County Council, ahna ninka codsaday in muuqaalkan bulshada lala wadaago ayaa sheegay inuu ku jirradey daawashada muuqaalkan, mar uu la hadlay warqaadka Washington Post.
“Waxaan wada aragnay wiilka yar oo lagu camirtay, la bahdiley, gaariga la dhex fariisiyey, qof kale oo sambab wayni uu dhegaha uga qayliyey. Taasi waa gacan ka hadal.” ayuu ku dooday Jawando.
Maamulka Iskuulka Montgomery County ayaa isna sheegay in waxa dhacay ay yihiin arrin aad ”u dhib badan oo aan qiil loo haynin in ilmo yar noocaas loola dhaqmo”.
Wiilka hooyadii ayaa haatan dacwad furatay iyadoo sheegtay in wiilkeeda loo gaystey ”dhaawac nafsaani ah” oo ay dhici karto inuu raad xun ruuxdiisa ku reebo.
Caadiyan Booliiska Maraykanka, gaar ahaan kuwa maxalliga ah ee Gobollada iyo Degmooyinka ayaa lagu sheegaa kuwo ka mid ah kuwa ugu liita caalamka dhanka hab-dhaqanka iyo anshaxa.
Hadalsame Media