(Muqdisho) 28 Maarso 2021 – Xil. Axmed Macallin Fiqi ayaa aad u dhaliilay tillaabada uu Guddoonka Baarlamanku uu ku sheegay inuu fadhiyada Baarlamanka ka joojiyey 15 Xildhibaan oo lagu eedeeyey inay jebiyeen nidaamka howleed ee Baarlamanka, kuwaasoo uu ku sheegay kuwo ka siman inaysan ku ”aragti ahayn Villa Somalia.”
”Tani waa toogasho ula kac oo loo geystay hey’addii ugu danbaysay Barlamaanka ee golaha shacabka, waa damin Iftiinkii dimuqraadiyadda, waa afduubka masiirkii dalka iyo god dheer ku rididda rajadii dawladnimadii dhismaysay Labaatankii sano ee u danbaysay,” ayuu Fiqi warkiisa ku bilaabay.
Fiqi ayaa ku dooday in dhacdadani ay ugub ku tahay Baarlamanka DF Somalia.
”Ajande Covid-19 sanad iyo saddex biloood oo uu dalka ka jirey ka dib xilli dalku siyaasad ahaan uusan degenayn lagu soo aadiyey, ajandahaas qalloocan oo ciidamo boqol kor u dhaafay ay difaacayaan ma soo marin Barlamaanka Soomaaliya taariikhdii uu jiray, markii Xildhibaanadu ay ka hadleena isla askartii loo dhiibo liiskooda in ay u diidaan gudashada waajibkooda waa handhaqan ugub ah oo ka marqaati kacaya wadada qalloocan ee dalka loo weeciyey.
”Waxaan dhowraynaa Covid-19-ka ciidamadu ay galbinayaan halku uu saldhigto iyo natiijada uu dhalo!! Waxaase aan la qaadan karin marnaba tallaabadan guddoomiyaha golaha shacabku uu ku bartilmaameedsanayo qaar ka mid ah Xildhibaanadii Villa Soomaaliya ka aragtida duwanaa.” ayuu kusoo af jaray.
Hadalsame Media