(Ankara) 28 Maarso 2021 – Markabka uu Turkigu dhisayo ee TCG Anadolu ayaa wax ka bedeli doona sida loo agaasimo gaashaandhigga badaha, iyadoo sida uu sheegay Guddoonka Wershadaha Agabka Ciidamada, Ismail Demir, uu markabkani noqon doono midkii ugu horreeyey ee xambaara dayuuradaha daroonnada dagaalka (UCAVs).
Markabkan oo sidoo kale leh dargo ay ku degaan dayuuradaha qumaatiga u duula (LHD) iyo gaadiidka dagaalka sida tawaangida maadaama loogu tala galay inuu fuliyo howlgallada berri-biyoodka ah, ayay xitaa dib ugu soo laaban karaan oo ku degi karaan daroonnadu, waana markabkii ugu horreeyey ee noocaas ah dunida oo dhan.
Markabka TCG Anadolu ayaa lagu wadaa in Ciidanka Badda Turkigu, ay la wareegaan wixii loo gaaro dhamaadka sanadka soo aaddan ee 2022.
Horraantii bishan Maarso, Demir ayaa u sheegay hilinka maxalliga ah ee NTV in ay markabkan u diyaariyeen nooc gaar ah oo ah daroonnada ay dunidu ka qaylisay ee ay Baykar Makina samayso ee Bayraktar TB2 UCAV kuwaasoo ku habboon markabka TCG Anadolu.
Waxaa noocaas la yiraahdaa Bayraktar TB3 UCAV, waxaana lagu dhisayaa hoosoooyinka waawayn ee Baykar iyadoo ka duwan noocii hore ee Bayraktar TB2 oo dhulka caadiga ah ka duusha.
Hadalsame Media