Qof ka mid ahaa wefdigii ay Somalia magaalada Hague u dirtay oo halkaa ku dhuuntay (Waa qofma?)

0

(Hague) 28 Maarso 2021 – Warar haatan soo baxaya ayaa sheegaya in sawir qaadihii wefdigii ay Somalia u dirtay magaalada Hague ee dalka Netherlands si ay uga qayb galaan dood-afeedka dacwadda baddu uu halkaa ku gooyey.

Wiilka gooyey ayaa lagu sheegay sawir qaadihii gaarka ahaa ee Ra’isul Wasaare Xigeenka DF Somalia, Mahdi Guuleed isagoo sidoo kale u ahaa la taliyaha dhanka warbaahinta, iyadoo wiilkan magaciisa lagu sheegay Xamsa.

Xamsa ayaa la sheegayaa inuu haatan iska dhiibey mid ka mid ah dalalka Midowga Yurub oo uu magan-gelyo siyaasadeed ama qaxootinnimo waydiistey, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Xafiiska RW Xigeenka.

Arrimaha noocan ah ayaa inta badan kusoo laalaabtay Somalia, iyadoo ay marar badan dhacdo in xitaa madaxda DF qaybeheeda kala duwan lagu eedeeyo inay mararka qaar wax ka ogyihiin arrimahan.

Hadalsame Media