(Nairobi) 28 Maarso 2021 – Siyaasiga Faarax Macallin oo ilaa Guddoomiye Xigeen Baarlamaan ka gaarey dalka Kenya ayaa aad u dhaliilay go’aanka ay Kenya 2-da todobaad ugu qabatay qaxootiga halkaa ku nool oo ay Soomaalidu ka mid tahay.
”In hay’adda UNHCR loo qabto inay 1/2m oo qaxooti ah ay 2 todobaad dalka uga saarto waa tusaalaha ugu wanaagsan qof riyo ku jooga dhadhaab-cireedka hawaa dare,” ayuu ku bilaabay Faarax.
”Waxaan u dhaqannaa sidii carruur mar kasta oo aan guuldarro kala kulanno ICJ. Joogitaanka qaxootiga ee Kenya waxaa dhowraya Xeer Caalami ah.” ayuu ku dooday.
Kenya ayaa sidan oo kale 2013 qaxootiga dalkeeda jooga oo ay tiro ahaan Soomaalidu ugu badan tahay ka dalbatay inay dalka uga baxaan, waloow ay markii dambe xeer jajab la gaartey UNHCR si qaxootiga loogu sameeyo barnaamijyo dib u celin ah oo nidaamsan.
Hadalsame Media