Yaa amray ciidanka dhar-cadka ah ee Baarlamanka gaaf wareegaya? (Arrin aan ahayn middii la hadal hayey oo laga leeyahay kulanka Baarlamanka)

0

(Muqdisho) 27 Maarso 2021 – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka ayaa Guddoonka Baarlamanka ku eedeeyey inuu ciidan dhar-cad ah oo hubaysan soo geliyey gudaha Baarlamanka, taasoo ka hor jeedda Dastuurka dalka, sida ay sheegeen.

Dhowr Xildhibaan ayaa bogaggooda kusoo qoray in Guddoomiye Maxamed Mursal uu ku faanay inuu ”isagu dalbaday ciidan dhar-cad ah” oo gaaf wareegaya Baarlamanka oo maanta fadhi ay foowdo haraynayso halkaa ku leh.

Waxay intaa raaciyeen inuu tirada ku sheegay 200 oo askari balse uu soo badinayo haddii loo baahdo ciidankaasi, taasoo ay sheegeen inuu mas’uuliyadda wixii ku xumaada uu isagu si shakhsi ah u qaadi doono.

Arrintan ayaa shaki hor leh sii abuuraysa iyadoo ay dadka qaar sheegayaan in uu jiro hindise muddo kororsi ah, halka ay qaar kale sheegeen inaysan taasi haatan soconaynin, balse arrintan loo adeegsanayo madadaalin dadwayne maadaama uu weli socon la’yahay shirkii DF iyo Maamullada.

Hadalsame Media