(Muqdisho) 27 Maarso 2021 – Waxaa Xerada Xalane ka soconaya kulan u dhexeeya Madaxda Maamul-goboleedyada oo haatan ku wada sugan magaalada Muqdisho kuwaasoo kala ah; Axmed Qoor Qoor, Axmed Madoobe, Saciid Deni, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo Cali Guudlaawe.
Shirkan oo ka soconaya Airport Hotel, ayaa diirada lagu saarayaa turxaan bixinta is mari-waaga ka taagan arrimaha doorashada oo ay haatan kusoo biirtay inba la isku fahmi waayo furitaankiisa, ajendihiisa iyo ka qaybgalkiisa, kaddib shuruudo cusub oo ay keeneen Jubbaland iyo Puntland.
Shirkan ayaa ah natiijo ka dhalatay isfaham ka dhashay kulan isaga ka horreeyey oo ay maamulladu yeesheen kaddib kulamo gooni gooni ah, balse weli lama oga sida ay noqonayso natiijadu.
Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Somalia ay goordhow ku biireen shirka Maamul-goboleedyada ee ka socda halkaasi.
Hadalsame Media