XOG: Dhaqan aan u fiicnayn fil-samaanta dowladnimada oo ka bilowday Villa Hargaysa

0

(Muqdisho) 27 Maarso 2021 – Xogaha ka imanaya Xarunta KMG ah ee Baarlamaanka Somalia ee Villa Hargeysa ayaa iftiiminaya in halkaasi lagu arkayo ”ciidamo dhar-cad ah” oo halkaa lagu keenay gawaarida dusha ka furan ee Cabdi Bilayaasha loo yaqaan, jeer ay shirayaan Golaha Shacabka oo ajendohooda lagu jahawareersan yahay.

Qaar ka mid ah xildhibaannada iyo ilo kale, ayaa Hadalsame u sheegay in la arkayo dhar-cad bistoolado ku hubaysan oo la keenay Xarunta Villa Hargeysa, kuwaasoo la doonayo in Xildhibaannada lagu guul guulo, walow aynaan arrintan weli u xaqiijin karin si madax bannaan.

Xildhibaannada qaarkood ayaa arrinta ku tilmaamay nasiib darro aan u wanaagsanayn dowladnimada dhismayda, iyadoo sheegay in cabsi gelin, kalsooni darro iyo khalkhal uu ka dhalanayo arrinkan oo sidoo kale xad-gudub ku ah Dastuurka dalka oo ah mid dimoqraadi ah.

Warkan ayaa imanaya xilli uu jiro tuhun ku saabsan kulanka maanta oo lagu sheegay mid lagaga hadlayo Covid-19 oo aanba u baahnayn in kulan la iskugu yimaado, iyadoo ay dadka qaar qabaan inuu jiro damac muddo kororsi oo ay dadka qaar ku sheegeen ”ismiidaamin siyaasadeed”, maadaama aan heshiis lagu ahayn.

Hadalsame Media