(Hadalsame) 27 Maarso 2021 – Maanta oo tariikhdu tahay 27March 2021 waxaa qorshuhu ahaa in degaannada Puntland si siman uga bilowdo qaadashada talaalka cudurka safmarka ah ee Covid-19.
Mase dhicin arintaasi, waxaana dhacday in gobolada Sool Sanaag, Haylaan iyo Cayn laga duudsiyey loona quudhi waayey waxay xaq u lahaayeen afartaas gobol ee qaadashada talaalka COVID-19.
Marka loo barbar dhigo gobollada kale hal degmo baa labanlaab iyo ka badan heshay oo la siiyey, waan wax aanay u dulqaadan karin bulshooyinka degaannada ka Soo jeeddaa.
Markaas waxaan isweydiiyey ma goboladaas baan Puntland ka tirsanayn, mise qorshe kale oo aanaan ogeyn baa jiraa.
Dullmiga intaasi le’eg waxaa galay masuuliyiintii hawsha gacata ku haysey ee wasaaradda Caafimaadka Puntland, iyagaana laga rabaa inay jawaab qancisa dadka goboladaas ka Soo jeeda siiyaan wacay xaqdarada intaasi le’eg ku kasbafeen.
Dadka gobolada ka soo jeedana Allah baa caafimaadkooda haya ee wasaaradda Caafimaadka Puntland ma hayso, cudurna ka celin mayso.
Waxaana ku talin lahaa xoogaaga quureed ee la siiyey ee aanay geyin inay u soo celiyaan, Allaahna talo saartaan ayna la yimaadaan talooyinka dhakhaatiirtu bixinayso sida in la kala fogaado, in Afxidhka la adeegsado, gacma Mar walba saabuun lagudhaqo iyo jeermis dilayaasha kale ee la isticmaalo.
Arintaasna talo guud baa laga yeelanayaa . iyadoo awalba cabashada bulshooyinka deegaanadaasi ay jirtay.
Arintaasna waxaan gaadhsiinayaa madaxda dawladda sida Mudane madaxweyne Siciid Cabdulaahi, Mudane madaxweyne xegeenka Axmed Cilmi Cisman iyo Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibril inay arintaas Soo fara geliyaan.
Waxaa Qoray: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cali Jibriil oo kamid ah Golaha Wakiillada Puntland
Hadalsame Media