DAAWO: Carruur aad u yar yar oo la waydiiyey sida loo furdaamin karo markabka ku go’an Kannaalka Suways & jawaabo yaab leh

0

(Hadalsame) 27 Maarso 2021 – Markab ayaa ku go’an hilinka Suways oo ah mid ka mid ah marinnada dunida ugu mashquulka badan, waxaana halkaa isha ku wada haya caalamka, maadaama ay maalintii ku xayiran tahay badeeco ku kacaysa balaayiin doollar.

Kannaalka Suways oo isku xirayey Badda Cad iyo Badda Cas tan iyo markii sida macmalka ah loo dhisay 1896-kii ayaa waxaa maalintii mara qiyaastii 50 markab, waxay sidaan 5.2 milyan oo fuusto oo shidaal ah, 3.3 milyan tan oo ah xamuul kale iwm.

Waxaa shaqayn waayey qorshe la doonayey in markabka ayaa haatan shaqayn la’, sida uu sheegay Bernhard Schulte Shipmanagement (BSM) oo markabka maamusha, iyadoo ay dalal badan oo ay ku jiraan Ciidanka Badda Maraykanku ay halkaa u gurmanayaan.

Markabka Ever Given, oo ka mid ah kuwa ugu waawayn caalamka ee konteenarrada qaada ayaa dherer la eg dabaqa dheer ee Empire State Building ee New York, waxaana jidadka Talaadadii ka lumisay dabayl ku socota 40-knot taasoo hagitaankii iyo aragtidiiba xumaysay.

Hadaba carruur yar yar oo 3-jir ka mid yahay ayaa la waydiiyey inay bal xal keenaan si markabka meesha ku xiran loo furdaamiyo.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media