(Nairobi) 26 Maarso 2021 – Dadka Soomaalida ah ee Nairobi ku nool iyo qofkii lagu helo wax lagu sheegay taageerada argagixisada ayaa la musaafurin doonaa hantidoodana lala wareegi doonaa jeer ay Kenya muruqeeda muujinayso maalmaha yar ee soo aaddan iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka Somalia iyo Kenya, ayaa lagu qoray The Nation.
Ilo amaan ayaa Nation u sheegay in aragtida in la qabqabto dadka sharci darrada ah ay muddaba soo taagnayd balse haatan marsho cusub oo sare la gelin doono.
Waxaa intaa dheer in liiska madoow la gelin doono, la xannibi doono amaba lala wareegi doono hantida qofkii lagu helo inuu argagixisada taageero, iyada oo loo cuskanayo Xeerka Kahortagga Argagixisada ee 2012 ee Prevention of Terrorism Act, waxaana qofkii lagu helo inuu argagixiso xubin ka yahay loo jari doonaa 30 sanadood oo xarig ah sida xeerkaa ku xusan.
Xeerkan ayaa sheegaya in qofkii lagu helo inuu xitaa la dhacsan yahay kooxaha argagixisada looga baahan yahay inuu 7 maalmood ku caddeeyo waxa jira haddii kale ay qabsan doonto sidii ku dhacday dad horay koontooyinkii looga xannibay sida: Halima Adan Ali, Waleed Ahmed Zein, Sheikh Guyo Gorsa Boru, Mohamed Abdi Ali alias Abu Fidaa, Nuseiba Mohammed Haji, Abdimajit Adan Hassan, Mohammed Ali Abdi, Mukhtar Ibrahim Ali iyo Mire Abdulahhi Elmi.
”Qorshahan cusub ayaa lagu soo beegay xilli uu Maamulka Jubaland oo ”xulufo la ah Kenya” uu jug culus oo siyaasadeed la kulmay maadaama mid ka mid ah dadka ugu muhiimsan dhanka amaanka ee maamulkaasi uu ku biiray DF Somalia,” ayaa lagu qoray Nation oo qoray in ninkaa ay isku ”reer yihiin MW Farmaajo.”
Kenya ayaa ka werwersan in Ciidanka haatan Gedo joogaa ay qorshaynayaan inay weerar ku qaadaan magaalada Kismaayo, iyadoo arrinta u sawiraysa qaab qabiil si ay Soomaalida iskaga hor keento kaddibna daneheeda u gaarto.
Soomaalida Islii ayay tahay inay arrintan u diyaar garoobaan maadaama ay Kenya muujinayso inay u dan leedahay hantida Soomaalida.
Hadalsame Media