(Nairobi) 26 Maarso 2021 – Dowladda Kenya ayaa la sheegayaa inay ku tala jirto inay dalal Somalia saamayn ku leh u marto si ay u dhexdhexaadiyaan labada dhinac, sida ay Nation ogaatey.
Waxaa dalalkaa laga xusay Dowladda Qadar, taasoo sanadihii dambe si wayn u taageereysey Xukuumadda MW Maxamed Farmaajo.
Somalia ayaa bishii Diseembar ee sanadkii tegey xiriirka u jartay Kenya, oo ay ku eedaysay inay faragelin qaawan ku hayso arrimeheeda gudaha, iyadoo ay deeto Kenya ka baxday dood-afeedkii Maxkamadda ICJ, iyadoo ku doodaysa in laga eexday oo ay raadin karto xal aan ahayn mid maxkamadeed oo ”saaxiibtinnimo.”
Yeelkeede, Kenya oo dabaqaysa siyaasad aan fadhin ayaa dhanka kale bilowday inay kubad adag la dheesho Somalia iyadoo 14-maalmood durba u qabatay qaxootiga ku jira xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma, kaasoo ah go’aan aan ka daadegin beesha caalamka.
Hay’adda UNHCR ayaa shalay arrinta ka hadashay iyadoo Kenya oo uu wada hadal u socdo, ka codsatay inay go’aankaa hakad geliso maadaama ay dunidu la tacaalayso cudurka Covid-19.
Hadalsame Media