(Hadalsame) 26 Maarso 2021 – Qolo aan is iri ‘ waa ciyaalka xaafadda’ ayaa inta liis magacyo boqol ah soo qoreen waxay ku bixiyeen aqoonsi ah boqolkii qof ee Soomaalida ugu saameynta badneyd sanadkii tagay.
Qiimeyntoodu ma laha hal beeg lagu cabiray, lamana sheegin sida qof kasta oo ay aqoonsadeen uu ku mutay sidaas.
Magacyada badankood waxay isugu jiraan dad awal ba caan ka ahaa bulshada dhexdeeda iyo magacyo aan dhameystirneyn oo ay malaha iyagu garanayaan oo ay kolley isku xaafad yihiin qolada waxan soo malaakuustay.
Intii aan isha la raacayey magacyada boqolka ah, waxaan ku yara hakaday dhowr magac oo ay ka mid yihiin: Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisulwasaaraha xukuumadda xil gaarsiinta ee soomaaliya. Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Cumar Maxamed Maxamuud ( Filish) oo dhamaantood la yiri ‘ waxay ka mid noqdeen dadkii ugu saameynta badnaa Soomaalida sanadkii hore.!
Waxaan kaligeey isweydiiyey sida ay noo saameeyeen raggaasi oo aan anigu u heysto in lagu aqoonsaday kaliya magacyadooda caanka ah laakiin aysan jirin wax saameyn bulsho ah oo ay saddexduba soomaalida ku reebeen sanadkii 2020.
Ciyaalka waxaan iska soo xariiqday oo uu hal abuurku aad ugu yaraa, waxay curin waayeen magaca ay Majaladda u bixin lahaayeen markaasey qaateen magacii iyo shaqadii ay caanka ku ahayd majaladda TIME MAGAZINE oo iyadu soo bandhigta boqolka qof ee dunida ugu saameynta badan sanad kasta.
Ii weydiiya Karateeriyada ay wax ku qiimeeyeen, haddii aad ciyaalka xaafadda isla tihiin kuwa magacyadan hoose iska soo qortay.Waxaa Qoray: Qaasim Cabdulle Xuseen
FG: Qoraal kasta wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku xusan
Hadalsame Media