Saxaafadda Kenya oo mar qura bedeshey maqaamkii Cabdi Janan (Sifaha ay haatan siisay oo su’aalo badan abuuraya)

0

(Nairobi) 25 Maarso 2021 – Cabdirashiid Janan oo awal olog la ahaa Kenya, ayaa shalay lagu soo dhoweeyey magaalada Beled Xaawo oo uu dhibaatooyin badan horay u gaarsiiyey, kaddib markii uu la heshiiyey DF Somalia.

Saxaafadda Kenya ayaa mar qura bedeshey darajadii ay ugu yeeri jirtey Cabdirashiid Janan oo shalay la heshiiyey DF Somalia, balse mar ku saf ahaa siyaasadda Kenya, markaasoo ay u yaqaanneen Wasiirka Amaanka Jubaland.

Kenya ayaa Janan hadda u adeegsanaysa eray sharci ahaan aan micne samaynayn oo ah ”baxsad” waayo ma jirto sabab uu baxsad u noqon karo qof la heshiiyey Dowladda dalkiisii sax iyo khaladba, taasoo muujinaysa in siyaasadda Kenya ee Somalia u fooggani aysan ku shaqaynin nidaamka caalamiga ah.

Waxaa intaa dheer, in saxaafadda Kenya ay Janan u taqaanney Wasiirka Amaanka Jubaland markii uu dhankooda kasoo jeedey, balse ay u qortay ”fugitive” markii uu dalkiisii ku noqday, taasoo iyaduna ah arrin kale oo u baahan faham qoto dheer wax badanna ka sheegaysa siyaasadda Kenya.

In qof dalkiisii ku noqday uu dal kale ugu yeero ”baxsad” waxay ka dhigan tahay in Kenya aysan ixtiraamaynin qarannimada iyo madax bannaanida Somalia, maadaama uu ninkani wasiir ka ahaa gobol ka tirsan Somalia.

Hadalsame Media