(Nairobi) 24 Maarso 2021 – Kenya ayaa amar ku bixisay in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma, kuwaasoo marti geliya qaxooti ka badan 500,000 oo qof, weliba muddo 2 todobaad ah.
Kenya ayaa ku doodaysa inaysan hadda kaddib sii xamili karin wax ay ku sheegeen ”culayska xerooyinkan” oo ay dadku deganaayeen tan iyo 1990-kii, markii ay Somalia gashay dagaallo sokeeye.
Waxay intaa ku dartay in xeryahani ay halis ku yihiin amaanka qaranka iyagoo ku marmarsooday in weerarrada argagixisada halkaa laga soo abaabuley, xilli ay beesha caalamka ku eedeeyeen inay “afka uun uga soo hartay.”
MW Kenya ee Uhuru Kenyatta ayaa horay heshiis ula galay UNCHR bishii Nofeembar 2013-kii, si muddo 3 sanadood ah qaxootiga loogu raro, balse 14,000 oo qura ayaa celiyey 2016-kii, sida ay Kenya sheegayso.
Xerada Daddaab ayaa qaadda 224,462 oo qaxooti ah, halka ay Kakuma qaaddo 206,458. Qaxootiga labada xero oo 512,494 waxaa ugu badan Somalia oo ku leh (274,299) halka inta kale ay ka socdaan South Sudan, DRC (46,024), Ethiopia (29,718), Burundi (17,286), Rwanda (1,917), Eritrea (1,955), Uganda (2,739), Sudan (10,199) iyo 945 dalal kale ah.
Kenya ayaa arrintan ka dhiganaysa kaar siyaasadeed oo Somalia lagu shaxaado, si ay ugu debecdo doodda ay Kenya ku damaacinayso dhul-badeedka Somalia.
Hadalsame Media