(Qaahira) 24 Maarso 2021 – Markab wayn oo kuwa konteenarrada xambaara ah ayaa isku qataarey Kannaalka Suways kaddib markii ay dabayli ka xoog badisay oo ay miisaankii ka lumisay, taasoo keentay inay xayirmaan maraakiibtii ku shiraacanaysey hilinka macmalka ah oo aad u mashquul badan.
Markabkan oo ah 220,000-tan qaad uu dhererkiisu yahay 400 oo mitir magaciisana la yiraado Ever Given ayaa ah markab aad u wayn wuxuuna Talaadadii shalay ku xayirmay qaybta koonfure ee uu ka bilowdo Kannaalku.
Dhowr tillaabo oo koorsada markabka lagu sixi lahaa ayaa fashilmay, iyadoo markii hore la sheegay in uu dabku ka go’ay, balse shirkadda Evergreen Marine Corp oo markabka ku shaqaysata ayaa AFP u sheegtay inay dabayli jidka ka weecisey.
Saadaasha hawada Masar ayaa horay u sheegay in aaggaas ay ka jirto dabayl xooggan oo saacaddii ku siqaysa 50 km (31 mayl).
Sida ay sheegayaan Maareeyaha Markabka Bernhard Schulte shaqaalaha Markabkan oo ah kuwa aad u wayn ee konteenarrada xamaala (ULCS) oo ay xitaa ku yar tahay inuu ka gudbo Kanaanka Panama oo ah hilin kale oo macmal ah oo isku xira Atlaantigga & Badda Deggan ayaa haatan caafimaad qaba.
Hadalsame Media