(London) 24 Maarso 2021 – Dokumenti ay leedahay Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi ayaa muujinaya sida ay dalkaa muhim ugu tahay inuu samaysto daroonnada hubaysan oo la mid ah kuwa Turkigu sameeyo (UCAV) ee burburiyey hannaanadii daafaca cirka ee Libya, Suuriya iyo Nagorno-Karabakh.
Dokumentigan oo haatan la shaaciyey cinwaankiisuna yahay Gaashaandhigga Casriga Hardanka ama “Defense in a Competitive Age,” ayaa waxaa ku qoran aragtida 2030-ka oo ay ku jirto in diiradda la saaro daroonka iyo tiknolojiyaha kale ee ku cusub dagaalka.
Dokumentigan oo ka kooban 69-bog, ayaa waxaa ku xarriiqan siyaasadda dibedda iyo dib u eegis lagu sameeyey amaanka sanadihii tegey, taasoo ay ku jirto inay ciidamada Ingiriisku diyaar u yihiin halisaha cusub ee soo bixi kara.
UK ayaa 85 bilyan oo gini ($117 bilyan oo doollar) ku khasiri doonta daraasaadka gaashaandhigga muddo 4 sanadood ah si ciidamada loogu dhiso kaabayaal waxgal ah, waxaana ka mid ah hannaanka daafaca cireed ee mustaqbaliga ah ee FCAS, kaasoo loo adeegsado daroonno raxan ah iyo hub tamarta ku shaqeeya.
Waxaa warbixinta lagu xusay in dalal uu Turkigu ugu horreeyo ay muhim u yihiin istaraatijiyada NATO isla markaana ay door wayn ku leeyihiin howlaha la dagaallanka argagixisada iyo arrimaha gobolka Bariga Dhexe.
12-kii Diseembar ee sanadkii tegey, Wasiirka Gaashaandhigga Britain, Ben Wallace, ayaa sheegay mar uu ka hadlayey Mac’hadka Arrimaha Amaanka ee Royal United Services Institute (RUSI) in daroonnada Turkiga ee Bayraktar TB2 ay muujinayaan sida uu dalkaasi ugu hormaray jiilalka cusub ee daafaca cirka.
Hadalsame Media