XOG: Cabdi Janan oo qarka u saaran inuu heshiis la gaaro DF Somalia (Wada xaajood gegagebo ah)

0

(Beled Xaawo) 23 Maarso 2021 – Warar laga helayo ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya inuu gabo-gabo marayo wada hadal lagu dhamaynayo khilaafka hubaysan ee haatan ka taagan meelo ka tirsan Gobolka Gedo.

Wasiirkii hore ee Amaanka Jubbaland, Cabdirashiid Janan, ayaa la sheegayaa inuu ku dhow yahay inuu la heshiiyo DF Somalia, isagoo deeto kusoo biiri doona Ciidanka Dowladda ee halkaa ku sugan isagoo ay wehliyaan ciidankiisu, kaddib marka uu dib ugu soo laabto Beled Xaawo.

Ninkan ayaa dhowr mar oo hore holliyey inuu xoog ku qabsado Gobalka Gedo oo uu degmooyin ka xukumi jirey, balse waxaa mar kasta dib u riixayey ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo ay Kenya oo kaalmaynaysey ay halkaa weji gabax kala kulantay.

Janan ayaa la sheegayaa in beryihii dambe aysan isku fiicnayn Madaxwaynaha Jubaland ee Axmed Madoobe, iyadoo haddii uu ku biiro dhanka DF ay dhabar jab siyaasadeed ku noqonayso Madoobe oo uu ninkani u ahaa kaarka siyaasadeed ee uu gobolkaa ka ciyaarayey.

Yeelkeede, lama oga sida ay dadka degaanku u arki doonaan arrintan maadaama uu Janan dhibaatooyin badan halkaa ka gaystey muddooyinkii uu ku sugnaa.

Hadalsame Media