(Kampala) 23 Maarso 2021 – Taliyaha Ciidanka xoogga Waddanka Uganda, General David Muhoozi ayaa oo sagootiyay ciidammo cusub oo Ugandan ah oo gaaraya 2,416 kuwaas oo muddo sanad ah ka soo shaqeyn doona Soomaaliya.
Ciidankan ayaa noqonaya kuwii 32-aad ee loo tababaray dagaallada ee Uganda ay u dirto Soomaaliya tan iyo Bishii Maarso 2007.
Waxay kaloo arrintan ay kusoo beegmaysaa xilli dhowaan la kordhiyay Mandate-kii aman waqtigii joogitaanka ciidammada nabad ilaalinta AMISOM ee gudaha Soomaaliya, iyagoo sii dalka sii joogi doona illaa 31 December 2021.
Guud ahaan ciidammada AMISOM ee Soomaaliya ka howl gala waxay gaarayaan 19,626 Askari, waxaana qorshuhu yahay in ciidammada xoogga Soomaaliyeed ay ku wareejiyaan amniga dalka wixii ka dambeeya dhammaadka 2021 haddii aysan wax is beddelin.
Waxaa Diyaariyey: Yaxye Y Khasaaro
Hadalsame Media