(Garoowe) 23 Maarso 2021 – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa tilmaamaya in halkaa lagu xirey gabar dembi baare ah.
Booliska Gobolka Nugaal ayaa la sheegayaa inay xabsiga dhigeen gabadhan oo lagu magacaabo Deggan Maxamed.
Gabadhan la xirey ayaa waxaa arrinteeda micne kale u yeelaysa inay gacanta ku haysey kiiska 9 eedaysane oo loo haysto kufsi ay gabar u gaysteen.
Gabdho weriyaal ah oo halkaa ku sugan oo Deggan ku booqday halka ay iminka ku xiran tahay oo ah Saldhigga Dhexe ee magaalada Garoowe ayaa sheegey in ay korkeeda ka muuqdeen jirdil loo gaystay.
Booliska Gobolka Nugaal ayaan weli arrintan wax war ah kasoo saarin.
Hadalsame Media