(Muqdisho) 23 Maarso 2021 – Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa farriin culus oo kale u dirtay Madaxda DF iyo kuwa Maamul-goboleedyada oo dalka gayaysiiyey marxalad cakirnaan ah.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Danjiraha Maraykanka ee Muqdisho, Daniel Yamamoto ayaa madaxdan ku boorrinaya inay kulanka ka wada qayb galaan si dalka doorasho looga qabto.
”Waxaannu ku boorrinaynaa MW Farmaajo in uu hubaal ka dhigo in si buuxda looga qayb galo shirka lana soo af meero heshiis doorasho. Waxaannu sidoo kale madaxda Maamullada ku boorrinaynaa inay iyaguna kasoo wada qayb galaan si shuruud la’aan ah.” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Safaaradda oo warka ku lifaaqay dhamaanba madaxda ay khuseeyso.
Shirka oo loo qoondeeyey teendho ku dhex taalla Afisyooni ayaa waxaa maalintii 2-aad ka maqan madaxda maamullada qaar sida kuwa Puntland iyo Jubaland oo marba soo jeedinaya shuruudo cusub.
We urge @M_Farmaajo to ensure full participation in the summit and conclude an elections deal. We urge @SaidAbdullahiDe @PresidentMadobe @MrQoorqoor @AliGuudlaawe @Laftagareen to participate without preconditions. https://t.co/eT9OSTVUkP
— U.S. Embassy Mogadishu, Somalia (@US2SOMALIA) March 23, 2021
Hadalsame Media