(Muqdisho) 22 Maarso 2021 – Somalia ayaa heshiis muhim ah la gashay Bankiga Adduunka kaasoo wax wayn ka tari doona ganacsiga gaarka loo leeyahay ee dalka ka jira, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.
”Maanta waxa aan heshiis la saxiixnay Hey’adda Maalgashiga iyo Ganacsiga u qaabilsan Bangiga Adduunka ee IFC, heshiis kaasi oo lagu taageerayo horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Soomaaliya iyo gacan ka geysashada sidii fursado waara loogu abuuri lahaa bulshada Soomaaliyeed,” Ayuu yiri Dr Bayle.
Wasiirka ayaa sharraxaad ka bixiyey faa’iidada uu heshiiskanu u leeyahay dalka oo ku jira soo kabasho iyo dib u dhis dhanka mugga hay’aadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ah.
”Horumarinta ganacsiga gaarka loo leeyahay waxaa uu muhiim u yahay isbeddelka dhaqaalaha dalkeena, sidoo kale Waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalada dib u habaynta hanaanka Maaliyadda iyo dhaqaalaha si aan iskaashi maalgashi iyo mid taageero dhaqaale u la yeelano Hey’addaha kala duwan ee Maaliyadeed ee caalamka.” ayuu raaciyey.
Hadalsame Media