”ICJ waxay nagu samaysay cadaalad darro dhanka hab-raaca ah!” – Kenya oo marmarsiinyo kale keentay

0

(Nairobi) 22 Maarso 2021 – Kenya ayaa Makxamadda ICJ ku eedaysay ”hab-raac aan cadaalad ahayn” kaddib markii ay dhegeysatey dood-afeedka Somalia, tiiyoo ay Kenya miiska ka maqan tahay, sida ay Kenya ku doodayso.

“Kenya waxay hoosta ka xarriiqday in waloow aysan shaki ka qabin saxnimada kiiskeeda, ay ku kalsoonaan karto hab-raaca Maxkamadda ee shaki gelinaya inay cadaalad fali doonto,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Kenya.

“Kenya waxay ku celinaysaa in ay Somalia ku jiiddey Maxkamadda, kaliya si ay u fuliso ajendeheeda is ballaarinta ah.” ayay daba dhigtay.

Warqad loo gudbiyey diiwaangeliyaha ICJ ee Philippe Gautier, Kenya waxay dalbatay in kiiska laga saaro Garsoore Abdulqawi Yusuf oo ah nin Faransiiska wax ku bartay oo Soomaali ah, kaasoo kiiska qabtay 2014, tiiyoo ay Kenya diiddan tahay.

Kenya ayaa sheegtay in Mr Yusuf uu xilligaa ahaa Guddoomiye Xigeen kaddibna Guddoomiye, haatanna uu xilkiisii dhamaaday bishii Jannaayo, balse uu weli Maxkamadda dhex fadhiyo oo uu garsoorayaasha ka mid yahay.

Waloow ay Kenya cadaalad darro ku tilmaamayso in Somalia kaligeed la dhegeysto misna xeer hoosaaska Maxkamaddu wuxuu si cad uga hadlayaa arrintaas oo sharci ah.

Hadalsame Media