(Muqdisho) 22 Maarso 2021 – Diyaarado loo badinayo kuwa ugu waawayn ee xamuulka qaada ee uu Ruushku leeyahay ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dejiyey gaadiid culus oo kuwa gaashaaman ah oo ka kooban dabaabbado iyo hubab kala duwan oo ay ku jiraan boobayaal iyo qoryo caadi ah.
Agabkan ciidan ayaa lagu qalabaynaa hubeynta ciidamada Amniga ee Soomaaliya, gaar ahaana Guutooyinka Turkiga lagu soo tababar ee Gorgor oo la siinayo hubkii ugu casrisanaa ee ay Turkigu sanceeyaan, hubkaas oo gaadiidka ciidamada looga soo daabulayo garoonka.
Dalka Turkiga oo Somalia kala shaqeeya dhinacyo badan iyo dhismayaasha kaabayaasha qaran ayaa 10-kii maalmood ee ugu dambeeyey ilaa 1000 askari oo kuwa Gor Gor ah oo dalkaa kusoo tababartay soo celiyey.
Waxaa kale oo Turkiga haatan loo qaaday ilaa 1500 oo askari oo kale oo halkaa lagu soo tababari doono, iyadoo qaar kale weli la qorayo.
Hadalsame Media