”Waxaa meesha ku jira gacmo 3-aad” – Kenya oo xitaa doodda kusoo dartay nalalka cadceedda ku shaqeeya ee Muqdisho lagu rakibay (Siyaasiyiin Khayrre ku jiro oo…)

0

(Nairobi) 21 Maarso 2021 – Kenya ayaa ku doodaysa in dhinac 3-aad uu dabada ka riixayo qorshaha ay Somalia dacwadda ku hor gaysey Maxkamadda ICJ 2014 oo ay ku tilmaantay mid lala degdegey, waloow ay markii ay Xukuumaddii Xasan Sheekh ay halkaa gaynaysey 5 sano laga joogey markii ay Kenya bilowday qorshaha ”ku qabso ku qadi mayside.”

Qoraal kasoo baxay Wasaarad Dibadeedka Kenya ayaa lagu sheegay in cadaymo hor leh loo gudbiyey Maxkamadda (ICJ), iyadoo ay Kenya ku doodayso in dhinacyo shisheeye ah oo la shaqaysanaya madax Soomaali ah oo qaarkood ay shirko la yihiin, ay leeyihiin dano hoose oo lagu qalaanqalinayo gobolka, sida ay yiraahdeen.

“Kenya waxay Maxkamadda ku wargelisey in dhinacyo 3-aad oo saamayn iyo dano dhaqaale ganacsi lihi ay shidayaan kiiskan oo halis gelinaya amaanka gobolka.” sida ay warka u qoreen.

Kenya ayaa ku doodaysa in bilo kaddib markii la kansalay qandaraaskii sharikadda saliidda baarta ee Norway ee Statoil, bishii Abriil 2013 ay “wefdi ka socda Baarlamanka Somalia ay booqdeen Oslo si ay dalkaa ugala hadlaan inay wax ka maareeyaan khayraadka dabiiciga ah ee Somalia.”

Waxaa wada hadallada ka mid ahaa dhulka lagu muransan yahay iyadoo ay Kenya doodda kusoo dartay in Norway ay nalalka cadceedda ku shaqeeya ay kaddib ku rakibtay magaalada Muqdisho kuwaasoo ku kacay $30 milyan oo doolar.

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in Abriil 2013, Soma Oil & Gas Holdings Limited lagu dhisay UK, taasoo ay maareeyayaasheeda ka mid ahaayeen RW hore ee Somalia, Xasan Cali Khayrre.

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay inay hayso caddayn ku aaddan in Wakaaladda Batroolka Somalia, Wasaaradda Batroolka iyo Madaxa Sirdoonka Somalia ay heshiis gaar ah galeen, halka ganacsato Qadari ihi ay sidoo kale shirkadda maalgashadeen.

Kenya ayaa aad ugu celcelinaysa in Somalia aysan 30 sano ka hadlin inay Kenya dhul-badeedkaa leedahay iyo in haddii dhulkan iyaga loo xukumo ay u daran tahay amaanka gobolka, marar badan waxay Kenya ku dooddaa abaal ay Somalia u gashay iwm, taasoo muujinaysa inaysan Kenya doonaynin wax ay leedahay ee ay xeer-jajab wax ku rabto.

Kenya ayaa ka baxday dood-afeedka halka Somalia oo doodeeda sii wadatay ay QM ka codsatay inay Kenya ku amarto inay “magdhow ka bixiso dhulka ay sahanka ku sameeysay isla markaana xogaha ku saabsan oo dhan ay kusoo wareejiso Somalia oo ah dalka iska leh.”

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media