(Ankara) 21 Maarso 2021 – Uzmanı Mete Yarar, oo ah khabiir dhanka amaanka ah oo Turkey ah ayaa ka hadlay codsiga Sucuudigu ku doonayaan inay helaan daroonnada dagaalka ee Turkiga.
Yarar ayaa sheegay in haddii daroonnadan Sucuudiga loo gacan geliyo ay markiiba u gudbinayaan Israel iyo Giriigga oo doonaya inay ogaadaan tiknolojiyadda ay ku dhisan yihiin.
”Sucuudi daroonno ma siiyeen. Dalalka aannu ilaa haatan siinnay waa Azerbaijan, Ukraine, iyo Tunisia. Waan ogahay in haddii agabkan Sucuudi la siiyo ay markiiba u gacan gelayaan Israel iyo Greece,” ayuu ku dooday Uzmanı Mete Yarar.
”Ma taageersani in hannaanka hubkan xasaasiga ah la siiyo Sucuudiga xitaa haddii ay dhiibaan lacag 3 jeer ka badan midda dadka kale.” ayuu ku afjaray.
MW Turkiga ayaa maalin dhowayd markii ugu horreeysey kashifay in ay Sucuudigu daroonnada dhowr mar soo waydiisteen isagoo muujiyey inuu la yaabban yahay hab-dhaqankooda, maadaama ay dhoollatus la sameeyaan Giriigga iyo xitaa Israel, waloow kan dambe uusan toos ahayn.
“Sucuudigu wuxuu dhoollatus la samaynayaa Giriigga, misna wuxuu na waydiisanayaa daroonno dagaal. Waxaan rajaynaynaa in arrintan marka hore si deggan loo xalliyo iyadoo aan lasii kululayn.” ayuu yiri MW Erdogan oo woxoogaa dhega hadlaya.
Hadalsame Media