Musuq baahsan oo laga soo sheegayo tallaalka AstraZeneca ee Muqdisho la geeyey (Waa noocee dadka ka faa’iidaystey?)

0

(Muqdisho) 21 Maarso 2021 – Wararka ka imanaya Muqdisho ayaa sheegaya in tallaalkii AstraZeneca ee ay halkaa gaystey hay’adda QM caafimaadka ugu qaysan ee WHO uu musuq badani hareeynayo.

Ilo la isku hallayn karo ayaa Hadalsame Media u sheegay in tallaalka Muqdisho la geeyey oo gaaraya 300,000 oo kuuro oo ka mid ah 1.2 milyan oo kuuro oo tallaalkan lagu allifey Oxford ee AstraZeneca lagu siinayo Somalia, ay ahayd in marka hore la siiyo dadka waayeelka ah iyo howlwadeennada caafimaadka, laga safay dad u badan madax, qoysaskooda, ganacsato iyo cid kasta oo galaangal la leh madaxda howlahan maamulaysa.

Waxyaabaha ugu yaabka badan ee ay ilahani noo sheegayaan ayaa waxaa ka mid ah in dhallinyaro da’ yar oo ay madaxdu dhaleen xitaa la tallaalay, kuwaasoo aan tallaalka u qabin baahida ay u qabaan dadka waawayn, xitaa marka la eego heerka caalami, iyadoo loo baahnaa in tallaalka la tashiilo maadaama aysan kuurooyin badan meesha oollina la siiyo dadka jilacsan ee cudurka u nugul, iyadoo ay arrintani weji gabax iyo fadeexad ku tahay DF Somalia.

Tillaabada tallaalkan lagu keenay ayaa qayb ka ah mubaadarada COVAX oo qayb yar oo ka mid ah wareegga 1-aad ee tallaalka bilaash ku siinaysa Somalia, waloow dal kasta looga fadhiyo inuu 80% isagu iibsado tallaalka, Afrika taasi kama jirto oo waxaa la degey musuq iyo mas’uuliyad xumi baahsan.

Hadalsame Media