(Muqdisho) 21 Maarso 2021 – Waxaa lasoo saaray jadwalka shirka berri ka furmaya Xeradii Ciidanka Cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho.
Jadwalka ayaa waxaa ku qoran inay shirka ka qayb gelayaan dhamaanba madaxda DF Somalia si ka duwan markii hore oo ay Madaxtooyada iyo XF uun ay ka qaybgeli jireen.
Waxaa sidii caadiga ahayd sidoo kale kasoo qayb gelaya madaxda Maamul-goboleedyada, balse waxaan ku jirin musharrixiinta, waloow jadwalka looga jeedo labadii Madaxwayne ee hore oo war ka jeedin doona madasha lama oga inay ragga kale goobjoog noqonayaan, sidoo kale bulshada rayidka oo aad u doonayey inay shirka kasoo qayb galaan ayaan meesha ka muuqan.
Waxaa Jadwalka ku xusan inay khudbooyin jeedin doonaan madaxda Maamul-goboleedyada, kaddibna ay hadli doonaan Guddoonnada Labada Aqal, halka uu warka soo afjari doono MW Farmaajo.
Shirka ayaa furmaya 9:00 subaxnimo ee aminta maxalliga ah isagoo socon doona ilaa 4:00 galabnimo lamase oga in loo baahan doono maalmo kale iyo in berri uun lagu heshiin doono.
Hadalsame Media