(Nairobi) 20 Maarso 2021 – Kenya ayaa sheegtay inay Somalia khiyaantay maadaama ay had iyo goor ahaayeen xulufo lahaa isbahaysi diblomaasiyadeed iyo xiriir qoto dheer, sida lagu faafiyey wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu oo soo xiganeysey WAD Kenya.
“Laguma doodi karo in dowladda iyo shacabka Kenya ay wax badan u hureen deriskooda Soomaaliyeed. Kenya waxay kaalmo aadminnimo siisay boqollaal kun oo qaxooti Soomaaliyeed ha. Dowladda Somalia waxay sanado badan deganayd Nairobi amaan darrada Muqdisho darteed. Waxaan siinnay kaalmo dhaqaale oo maaliyad, diblomaasiyad iyo ciidan, ku laabashadeeda tartiib tariibta ah waxaa u sabab ahaa kumannaanka askari ee AMISOM oo ay Kenya ka mid tahay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Kenya.
Wasaarad Dibadeedka Kenya ayaa ku doodday in xalka qura ee furani uu yahay mid ay labada dal ka wada arrinsadaan, iyadoo sheegtay in inta xiriirku jaran yahay ay taasi adkaanayso.
“Somalia waa inay xiriirka lasoo ceshataa Kenya kahor inta aysan kula macaamilin madal ku taal caalamka meel kasta oo ka mid ah ama mareeysa qof iyo wakaalad.” ayay raacisay iyadoo ku doodaysa xiriirka ay jartay DF Somalia.
Kenya oo sheeganaysa dhul ka badan 160,580 km oo jibbaaran oo shidaal laga filayo, ayaa mar kasta waxay dooddeeda kusoo dartaa inay Somalia abaal u gashay, tiiyoo abaalka laftiisa la isku hayo, misna waxaan meesha ku jirin in aad dhul dad kale sheegato xitaa haddii aad asxaan u samaysay.
Hadalsame Media