(Nairobi) 20 Maarso 2021 – Saxaafadda Kenya ayaa ka hadlaysa isbahaysi cusub oo Khamiistii lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho, kaasoo ay sheegtay inuu kasoo horjeedo sida uu wax u wado MW Farmaajo, sida uu qorayo The Nation.
Isbahaysigan oo ay ku midaysan yihiin Madasha Musharrixiin 15 gaaraysa, Guddoonka Aqalka Sare iyo 2 MW Maamul-goboleed oo ka ah Jubbaland iyo Puntland, ayaa yimid kaddib kulamo xiriir ahaa oo soconayey 14-18 bishan Maarso, sida lagu qoray warbaahinta Kenya.
Wargayska ayaa intaa raaciyey in Somalia ay ku guulaysatey inay doorasho qabato bishii Diseembar oo ay bilaabmi lahaayeen kuwa labada Aqal halka MW la dooran lahaa 8-da Febraayo.
Saxaafadda Kenya ayaa aad u buun buuninaysa ismari waaga nasiib darrada ah ee ka taagan dalka, kaasoo ay door wayn ku leeyihiin dhamaan dhinacyada ku lugta leh oo ay ugu horreeyso Madaxtooyada oo u muuqata mid aan ka roonayn kuwa mucaaradka ah.
Hadalsame Media