Safaaradda Denmark ee Muqdisho oo soo gudbisey farriin ”iftiimin” ah oo ku saabsan xeebaha Somalia

0

(Muqdisho) 19 Maarso 2021 – Safaaradda Denmark ee magaalada Muqdisho ayaa soo gudbisey farriin siyaabo kala duwan loo fahmi karo oo ku saabsan xeebaha Somalia.

Warkan ayaa u dhigan in xeebaha Somalia iyo Denmark ay dhaqan, dhaqaale, siyaasad iyo bayoloji ahaanba muhim yihiin.

Waxaa intaa la daba dhigay xaqiiqada ah in aadan 50 km ka badan u jirsan karin xeebaha Denmark meel kasta oo aad dalkaa ka joogto iyo in Somalia ay tahay dalka ugu xeebta dheer qaaradda Afrika inteeda isku taalla, marka dabcan laga reebo Madagascar oo ah jasiirad.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Kenya sheeganayso dhul-badeed ka tirsan Somalia iyadoo uu u muuqdo mid iftiimin ah si kastaba halloola jeedee.

Maxay ishaaraysaa farriintani?

Hadalsame Media