(Dar es Salaam) 19 Maarso 2021 – MW hadalka debecsan ee Tanzania, Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa maanta loo dhaariyey xilka dalkaasi iyadoo noqonaysa haweenaydii ugu horreeysey ee abid dalkaa ka talis kaddib geeridii faj’ada ahayd ee MW hore John Magufuli oo u dhintey cudur la qarinayey.
“Aniga, Samia Suluhu Hassan, waxaan ballan qaadayaa inaad daacad u noqdo, adeeco oo ilaaliyo Dastuurka Tanzania,” ayay tiri Mrw Hassan, oo xirnayd dhar madow iyo qamaarkeeda iyadoo caasimadda Dar es Salaam kula hadlaysey dadwaynaha.
Hoggaamiyahan cusub oo 61-jir ah ayaa ku dhawaaqday 21 maalmood oo baroordiiq ah oo loo sameeynayo Magufuli halka maalmo fasax qaran ah laga dhigayo 22-25 Maarso oo ah maalmaha loo qoondeeyey duugta MW hore, iyadoo ku baaqday in gacmaha la is qabsado oo horay loo socdo.
“Maalin ku fiican inaan idinla hadlo ma aha, waayo qalbiga ayaan ka dhaawacan ahay. Maanta waxaa la igu dhaarinayaa xaalad baroordiiq ah,” ayay tiri iyadoo ka hadlaysa geerida Magufuli oo aan dadka lagu hor arkin tan iyo Febraayo 27.
Saamiya Xasan oo lagu tilmaamay qof debecsan oo xeer jajabka iyo tanaasulka ku wanaagsan ayaa kasoo jeedda jasiiradda Zanzibar, oo ah gobol ismaamul-hoosaad leh oo Muslimiin u badan, waana qofkii ugu horreeyey ee halkaa kasoo jeedda ee xukunta Jamhuuriyadda.
Waxay sheegtay in Magufuli “oo inuu dadka wax baro” uu u diyaariyey howsha sugaysa iyadoo ballan qaadday “inaan waxba khaldami doonin” iyadoo soo jeedisey in diiradda la saaro dhismaha Tanzania-dii uu doonayey MW Magufuli.
Hadalsame Media