”Dib u eegis ayaan ku samaynaynaa!” – Imaaraadka & Israel oo ay ka tafatay (Shir-madaxeed ballaaran oo dhexmari lahaa oo la hakiyey)

0

(Abuu Dabeey) 19 Maarso 2021 – Imaaraadka Carabta ayaa hakiyey diyaarintii kulan aan horay abid u dhicin oo dhexmari lahaa iyaga iyo RW Israel ee Benjamin Netanyahu, iyagoo ka xumaaday in uu ku xadgudbey heshiiska labada dhinac si uu taa ugu adeegsado dib u doorashadiisa, sida lagu qoray Yedioth Ahronoth.

Kulan-madaxeedkan ayaa Abriil ka dhici lahaa Abuu Dabeey, iyadoo uu goobjoog ka ahaan lahaa Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Antony Blinken. Saraakiil ka socota Suudaan iyo Israel ayaa iyaguna joogi lahaa si ay u xusaan yagleelidda xiriirkooda diblomaasiga ah.

Imaaraatiga ayaa ka caroodey kaddib markii ay heshiis ku kacaya $10bilyan oo doollar ay la galeen dhinacyada istaraatijiga ah ee Israel sida; wershadaha, biyaha, hawada sare, caafimaadka, tiknolijiyadda iyo beeraha, balse uu Netanyahu sheekadiiba u bedeley in Dhaxal-sugaha Imaaraadka ee Mohammed bin Zayed uu lacagta “iskii ugu tabarrucay” dhaqaalaha Israel.

Carada ay arrintaa ka qaadeen Imaaraadku waxaa laga dareemayey hadallada Wasiirka Wershadaha iyo Tiknolojiyadda Sare, Sultan Al Jaber, oo la hadlay The National oo sheegay in ay ”u kuur gelayaan sida uu u shaqeeyo sharciga Israel” iyo Wasiir Dibadeedkii hore ee Imaaraadka Anwar Gargash, oo Twitter kusoo qoray in Imaaraadku aanu diyaar u ahayn ”in xiriirkiisa looga faa’iidaysto doorashada maxalliga ah ee Israel hadda iyo hadhowba”, ujeedka ay ka leeyihiin heshiis uu ku tilmaamay mid ”Ibraahiimi” ahna uu yahay nabad dhisid iyo iskaashi goboleed.

Waxaa xitaa tillaabada RW Israel ka xumaaday Amos Malka, madaxii hore ee Sirdoonka Ciidamada Israel oo haatan Imaaraadka ka caawiya hannaanka la socodka dadka rayidka ah, kaasoo Netanyahu ku tilmaamay nin aan qoor iyo xero lahayn oo aan waxba xeerin isla markaana aan xad lahayn.

Hadalsame Media