Maraykanka oo bad aad u kacsan ku tijaabiyey markab raadaarka ka dhuunta oo cusub

0

(Washington, DC) 14 Maarso 2021 – Ciidanka Badda Maraykanka ayaa tijaabiyey markab burburiye ah oo ah nooca raadaarka ka dhuunta oo la yiraahdo USS Zumwalt kaasoo ku dhex shiraacday moowjado ay qaarkood 20 cagood ka sarreeyaan, sida uu sheegay Taliska Hannaanada Badda ee dalkaasi.

Injineerrada ayaa markabkan ku tijaabiyey xeebaha Gobollada California iyo Alaska iyadoo la eegayo sida uu ugu gigsan karo biyaha rafka ah ee kacsan isagoo gaarey heerka loo yaqaan Sea State 6, iyadoo marka la eego cabbirka guud ee Hay’adda Cimilada Bada Adduunku uu ka bilowdo 0 ilaa 9 ay ugu sarreeyso.

A view of the bow on USS Zumwalt (DDG 1000) during testing in Sea State 6 conditions on Oct. 25, 2020.
Markabka USS Zumwalt xilligii tijaabada

Kahor intii aan tijaabadan la sameeynin ayaa waxaa jirtey cabsi ku saabsanayd in khanka markabku uu bixin karo miisaanka loo baahan yahay marka uu galo biyaha kacsan iyo in uu uu xitaa gadoomi karo gebi ahaanba marxaladaha qaar.

Kabtanka Markabka tijaabinayey Capt. Andrew Carlson ayaa sheegay “in tijaabadan lagu guulaystey welibana hadda kaddib uu jeclaan lahaa inuu markabkan wado marka loo eego markab kasta oo kale.”

Hadalsame Media