(Nairobi) 14 Maarso 2021 – Kenya ayaa ka baxday dood-afeedka berri ka ballansan Maxkamadda ICJ kaddib markii sida ay sheegtay laga diidey in markii 4-aad dib loogu dhigo dhegeysiga dacwadda ”cudurka Covid-19 dartii”.
Labada dal ee Somalia iyo Kenya walaa maxkamaddu weli wax wacaal ah arrintan kama soo saarin, balse way dhici kartaa inay dacwaddu sii socoto waayo ugub ma aha inay sidaasi dhacdo; Shiinaha iyo Philipines ayay dood noocan ihi dhexmartay iyadoo uu mid ka maqan yahay maxkamadda.
Markii dacwadda la dhegeysto, haddii aysan ICJ markale baajin, waxaa xukunka kama dambaynta ah la sugi karaa 4-6 bilood kahor inta laga soo saarayo go’aanka, waayo waa inuu garsoore kasta si iskii ah u eegaa marqaatiyaha iyo cadaymaha la soo bandhigay.
Prof Patrick Lumumba oo ah nin aad uga hadla qaddiyadaha Afrika oo Kenyan ah ayaa dood ka keenay waxa diiddan in ay labada dal iyagu arrintan ka heshiiyaan waloow ay Kenya iyadu diiddey markii hore, balse wuxuu misna is waydiiyey ”sababta loo diiddan yahay in lagu kala boxo qarreennada iyo khubarada caalami hortooda”, taasoo ah su’aal ku fooggan Kenya lafteeda.
Si kastaba, weli lama oga in ay dacwaddu sii soconayso iyo in kale.
Hadalsame Media