Kenya oo DF Somalia uga hormartay arrin la doonayey inay mar hore u dhaqaaqdo (Arag sawirrada)

0

(Hadalsame) 14 Maarso 2021 – Waxaa abaar iyo biyo la’aan xumi ka taagan tahay Gobolka Gedo oo dhaca jidahda Koonfur Galbeed Somalia, halkaasoo muddaba lagu baaqayey in kaalmo lala gaaro, waloow aysan weli gaarin wax kaalmo ah oo ka yimid dhanka Somalia iyo DF.

Yeelkeede, Kenya, gaar ahaan ciidankeeda AMISOM ka tirsan oo arrintaa ka faa’iidaysanaysa ayaa gurmad u samaysay dad ku dhaqan tuulooyin iyo degaanno u dhow xadka haatan kala qaybiya Somalia iyo Kenya.

”Ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan ayaa biyo iyo cunto u qaybiyey dadka degaannada Bura Hache iyo Gerillleey oo ka tirsan Gobolka Gedo ee Somalia, taasoo ay ka faa’iidaysteen 400 oo qoys.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay AMISOM.

Arrintan ayaa toosh ku ifinaysa DF iyo xitaa qolyaha mucaaradka ah oo kaliya Gedo ka hadla markii ay dooddu siyaasad qallalan iyo khilaaf joogto, balse aan soo hadal qaadin dhibka halkaa ka taagan, iyadoo ay dad ay carruuri ku jirto halkaa ugu dhinteen baahi iyo harraad.

Hadalsame Media